Waa arrin adiga kugu saabsan

Qorsheha Hälsoval Blekinge (doorashada daryeel-caafimaadeedka Blekinge) waxaad ku heleysa fursad tii hore ka wanaagsan oo daryeel-caafimaadeedka saamayn ugu yeelato. Adiga oo ah bukaan-socod waxaad leedahay mudnaanta koowaad iyo doorasho ballaaran. Doorashada waa taada, fursadaha na way badan yihiin.
 
Ku soo-dhowaada doorashada daryeel-caafimaadeedkaaga!

WAA ADIGA QOFKA DOORANAAYO


Hälsovalet waxaad ku heleysa fursad tii hore ka wanaagsan oo daryeel-caafimaadeedka saamayn ugu yeelato. Doorashadaada ayee ku xiran tahay dhaqaale-qarmeedka rugta daryeel-caafimaadeedka ay heli karto. Haddii rugtii aad dooratay ku qanacsanayn waad iska beddeli karta. Rugta cusub aad dooratay ayaa dhaqaale-qarmeedka la siinayaa.

Ujeedada hälsoval laga leeyahay ayaa waxay tahay in la helo daryeelka caafimaadka iyo bukaanka, oo tayadiisa heer sare ah oona la heli karo markii loo baahdo. Awooda doorashada waxay soo jiidanaysa in xarumaha daryeel-caafi-maadeedka, ay dhaqdhaqaaqyadooda la qabsiiyaan baahida iyo habka ay wax u doonayaan bukaan-socodyada.

FURSADAHAAGA AYAA BADAN


Qorsheha hälsovalet fursadahaaga ayaa badanaayo. Waxaa jiri doono xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo gaar ahaan loo leeyahay iyo kuwa maamulka degmooyinka ay maamulaan.

Dhammaantood waa in ay muujiyaan ballanqaadka tayada heerka sare ee daryeel-caafimaadeedka ay landstinget (gole-goboleedka arrimaha caafimaadka) u ku xujeeyay. Adiga waxaad dooran karta rugta daryeel-caafimaadeedka adiga kula habboon.

Liis u ku qoran yahay xarumaha daryeel-caafimaadeedka aad doran karto iyo adreesyadooda waxaad ka heleysa goobta Internetka www.ltblekinge.se/halsoval ama Hälsovalsservice (adeegga daryeel-caafimaadeedka).

HAB-SHAQAYNTA WAA SIDATAN:

  • Haddii rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay aad ku qanacsan tahay, looma baahna inaad doorasho cusub ku dhaqaaqdo.
  • Haddiise weli doorashada rugta daryeel-caafimaadeedka aadan samayn, waxaa lagu soo bandhigaya inaad iska diiwangeliso rugta daryeel-caafimaadeedka hoygaaga ugu dhow.
  • Haddii aad tahay xilhaayeha/waalidka waxaad u dooran karta cunugga da´diisa 16 sano ka hooseeyso.
  • Rugta daryeel-caafimaadeedka kuma diido karto inaad ku biirto.
  • Waxaa kaloo suurtagal noqon karo inaad qof takhtar ah ka doorato rugta daryeel-caafimaadeedka, waa haddii ay suurtagal ka noqon karto rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay. Laakinse waa arrin laga diidi karo haddii takhtarkaas u liiskiisa buuxo.
  • Haddii degmo Blekinge ku taalo aad u guurto doorashadaada waxba lagama beddeli doono, ilaa rugta daryeel-caafimaadeedka cusub aad ka doorato.
  • Mar alle markii aad doonto ayaa doorasho cusub ku dhaqaaqi karta.

HADDII AAD DOONAYSO INAAD RUGTA DARYEEL-CAAFIMAADEEDKA ISKA BEDESHO  


Beddelada xadayn ma laha. Kadib markii codsiga beddelaada la halo waxaa lagu wargelinayaa helida codsiga iyo in lagu oggolaaday lana diiwangeliyay. Beddelaada rugta daryeel-caafimaadeedka waxay qaadan karta ilaa hal bil taasoo u sabab ah ammaanka bukaan-socodka.

Haddii doorashadaada an lagu aqoonsan, waxay sababta noqon karta in dadyoowgii isla rugta daryeel-caafimaadeedka codsaday ay aad u badan yihiin. Xaaladaas waxaa lagu wagelinayaa in magacaaga lagu qoray liiska safka rugta daryeel-caafimaadeedkaas loogu jiro. Rugta daryeel-caafimaadeedka waa in saddex bilood gudahooda ay boos ku hesho. Iyadoo qoraal ah ayaa lagu wargelin doonoa markii boos rugta daryeel-caafimaadeedka cusub lagaaga helo.

XARUMAHA DARYEEL-CAAFIMAADEEDKA LA AQOONSADAY WAY MUUQDAAN


Xarumaha daryeel-caafimaadeedka oo aad midkood ka dooran karto, waa kuwa tayadooda la aqoonsaday hadba shuruudaha Landstinget Blekinge u dejisan ku saabsan maamulida xarumaha daryeel-caafimaadeedka gobolka.

Goobta Internetka Landstinget Blekinge waxaad ka heleysa liis ku qoran warbixin kooban ku saabsan xarumaha daryeel-caafimaadeedka aad dooran karto.

Kuwa hälsovalet ka tirsan waxaa rugta daryeel-caafimaadeedkooda ku calamadaysan ama astan ahaan ugu dhegan calaamad yar.

MA U BAAHAN TAHAY WARBIXIN DHEERAAD AH?


Warbixin dheeraad ku saabsan hälsovalet iyo habka doorashada loogu dhaqaaqo, waxaad ka heli karta xarumaha daryeel-caafimaadeedka, goobta Internetka ee Landstinget Blekinge iyo Hälsovalsservice (Adeegga arrimaha caafimaadka). Isla goobtaas waxaad ka dalban karta liis u ku qoran yahay xarumaha daryeel-caafimaadeedka la dooran karo, dhowr koobi oo ah warbixintan
iyo foomka lagu codsado beddelaada oo ah qaabka loo yaqaanno A4-format.

Ku soo-dhowaada, e-mail ama taleefan noo soo dira:
Hälsovalsservice
E-mail: halsoval@ltblekinge.se
Taleefan: 0455-73 10 05

Webbplatsen funkar med Talande webb
Hitta rätt direkt
Gör det själv
Förnya recept, ändra besökstid, beställ intyg med mera.

Mina vårdkontakter »

Webbisar, bilder på nyfödda
Webbis
Kartor, vägbeskrivningar
Kartor
Sjukvårdsrådgivning
Råd
Landstinget Blekinge, 371 81 Karlskrona. Tel: 0455-73 10 00,
Fax: 0455-802 50, E-post: landstinget.blekinge@ltblekinge.se
Ansvarig för sidan: Marie Söderström
Senast ändrad: 2010-03-25